Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

RW JFS oo Magaalada New York ka wada kulan duceedyo uu la yeelanaya madaxda ka qeyb galeysa shirka QM.

RW JFS oo Magaalada New York ka wada kulan duceedyo uu la yeelanaya madaxda ka qeyb galeysa shirka QM.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha uu ka socdo shirka Qaramada Midoobay ee New York kula kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka arrimaha dibadda dalka Mareykanka Antony Blinken ayaa diiradda waxaa lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeexa Soomaaliya iyo Mareykanka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha uu ka soconayo shirka guud ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen.

Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadleen adkeenta xiriirka ka dhexeeya labada waddadan ee darisk ah, sidoo kale waxay ay ka wada hadleen sidii loo xoojin iskaashiga u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka gaaray todobaadkaan gudihiis, isaga oo halkaas uga qeyb galay meertada 78aad ee Golaha Qaramada Midoobay, waxaana lagu wadaa in uu shirka khudbad ka jeediyo.