Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

DEG DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Beledweyne

DEG DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Beledweyne

Faah-faahino hordhaca ah oo kasoo baxaya qaraxaan goordhaw ka dhacay Beledweyne, ayaa waxay sheegayaan in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, uuna ka dhacay bartamaha magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay bar-Kontorool oo gaadiidka lagu hubiyo, taas kala qeybisa xaafadaha Xaawo Taako iyo Kooshin ee Beledweyne.

Sidoo kale muuqaal laga soo duubay magaalada ayaa muujinaya qiic cirka isku shareeray kadib markii uu dhacay qaraxa, kaas oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Ma cadda bartilmaameeda qaraxan, waxaana xaaladdu ay tahay weli mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Weli si rasmi ah looma oga tirada dadka wax ku noqday qaraxaan iyo guud ahaan khasaaraha ka dhashay.