Xiddig Arsenal Ahaa Oo Ay Xaaskiisu Geeriyootay Saddex Bilood Kaddib Arooskoodii….
Geeri qalbi-jab ah ayaa ku habsatay bahda kubadda cagta maanta, waxaana lasoo sheegayaa in ay geeriyootay xaaska xiddig Arsenal ahaa oo uu saddex bilood ka hor arooskoodu dhacay, maantana geerideeda la xaqiijiyey.
Farriin qiiro leh oo uu ciyaartoygani kusoo qoray bartiisa Instagram, ayaa uu ku sheegay in ay geeriyootay xaaskiisii oo lagu magacaabo Laura ee uu aroosay saddexda bilood ka hor.
27 jirkan ayaa qoraalkiisa ku yidhi: “Waxa aan garan la’ahay ereyadii aan ku odhan lahaa, mana ogi in aan waligay garan doono.
“Fiidkii Salaasadii ayaan xaaskaygii oo muddo dheer la halgamaysay xanuunka Kansarka oo ku dhacay. Laura waxay ahayd midda ugu xooggan, ugu geesisan, uguna jacaylka badan ee aan ab id la kulmay.
“Iyadoo xanuunsanaysa ayay sii wadday inay qososho, waligeedan ma aanay joojin inay si wanaagsan u noolaato, iyo in ay samayso nolol xasuuso leh.
“Waanu wada ooyi jirnay, wada qosli jirnay, wada ciyaari jirnay iyadoo aanu ku jirno waqtiyo adag.”
Josh Vickers oo u ciyaari jiray Arsenal oo uu kulliyaddeeda kasoo baxay, haddana ka tirsan kooxda Derby County ee heerka labaad ee Ingiriiska, ayaa waxa uu xaqiijiyey, in xaaskiisu ay qabtay xanuunka Kansarka oo ay ugu dambayntiina u geeriyootay.
Vickers iyo Laura ayaa isku doonanaa muddo 12 bilood ah ka hor intii aanu dhicin aroos si weyn loo qurxiyey oo dhacay saddex bilood ka hor.
Laacibkan ayaa waxa uu kasoo baxay kulliyadda da’yarta Arsenal oo uu muddo dheer ku jiray, balse sannadkii 2015 ayaa uu uga wareegay Swansea oo uu usii dhaafay Barnet ka hor intii aanu amaah ku tegin Lincoln.
Sannadkii 2020, waxa uu ku biiray kooxda Rotherham oo uu waqti fiican ku qaatay, kaddibna xagaagii hadda tegay ayaa uu ka degay Derby County oo uu hadda ka tirsan yahay.