Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Maxkamadda gobolka Banaadir oo ku dhawaaqday xukunka saraakiil loo heysto musuqmaasuq .

Maxkamadda gobolka Banaadir oo ku dhawaaqday xukunka saraakiil loo heysto musuqmaasuq .

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saarto xukun dacwad loo haystay Saraakiil ka ka laka tirsan qaar ka mid ah  hay’addaha dowladda,Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ku soo Eedeeyay in ay ku kaceen Musuq-maasuq,lunsasho hanti dadweyne,lacag dhaqid iyo sido kale dayacaadda masuuliyadii loo igmaday.

Eedeysanayaasha ayaa gaaray ilaa Shan ruux oo ay ku jireen labbo Agaasime guud oo hore usoo maray Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo lagu kala magacaabo Cabdullaahi Maxamed Cali Sultaan iyo Maxamed Cadde Muqtaar oo labaduba ay joogeen fadhiga Maxkamadda,Abuukar Maxamed oo goob joge ah iyo sido kale,Cabdi waaxid Muxsim Ibraahim iyo Cabdiraxmaan Cabdikariim oo maqanayaal ahaa.

Fadhiyadda Maxkamadda oo ahaa ilaa sagaal Gar-maqal ayaa waxaa lagu soo bandhigay doodo kala duwan oo u dhaxeeyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Qareenadda Difaacayay eedeysanayaasha  kuwaas oo gaarayay ilaa sagaal Abuukaate, iyagoo islaa wadaagay cadeymo iyo xogo ku saabsan dambiyada lagu soo eedeeyay.

Dhanka kale waxaa fadhiyada Maxkamadda la hor keenayay Marqaatiyaal iyo saraakiil ka socday Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo ahaa halka baarista dacwada ay kasoo bilaabatay ayada oo guddiga tashiga dacwadda  oo ahaa garsoorayaal ay dhageysanayeen dhinacyada dacwada loo haysto iyo qareenadda difacayay,guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa soo gaba-gabeeyay.