Dowlad-Deegaanka Soomaalida oo ka digtay Roob Duufaanno wata.
Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa digniin culus kasoo saartay halis kusoo wajahan qaybo kamid ah dowlad-Deegaankaas oo ka dhalan karta Roob Duufaanno wata sida uu sheegay Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka.
Bashiir Xuseen Cilmi Wasiir ku xigeenka Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa Dadka Degen meelaha inta badan biyaha maraan ugu baaqay in ay ka fogaadaan si aanay khatar ula kulmin.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dhankooda dedaal xooggan ay gelinayaan sidii kahortag loo sameyn lahaa si loo badbaadiyo dadka ugu nugul in ay dhibaatooyinkaas salkoodu yahay Roobka Dabaylaha wata looga hortago.
Deegaanno badan waxaa laga muujinayaa digniin la xiriirta Roobka Dayrta ee Dabaylaha wata iyada oo haatan lagu howlan yahay in la qodo godadka biyuhu maraan iyo goobaha ay ku hooraan si halistaas la sheegayo looga hortago.