Senatoro Mareykan ah 'oo ka walaacsan' qodobada xiriir laga yaabo inay yeeshaan Israel iyo Sacuudiga.
Labaatan Senator oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa Arbacadii taageeray heshiis suurta-gal ah oo ay xiriir ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudi Carabiya, balse walaac ka muujiyey damaanad qaad amni oo kasta ama taageero nukliyeer oo la siiyo Riyadh.
Warqad ay u direen madaxweyne Joe Biden, ayey Senator-ada hoosta uga xariiqeen iska caabinta uu Aqalka Cad kala kulmi karo Congress-ka haddii maamulka uu dhex-dhexaadiyo heshiis ay xiriir diblomaasi ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudiga, taasi oo lagu beddelanayo in Washington ay kasoo baxdo dalabyada Riyadh.
Wada-hadallada ku saabsan xiriirkan ayaa horumar sameynaya, hase yeeshee saraakiisha Mareykanka ayaa taxaddar ka muujinaya in weli ay shaqo badan harsan tahay.
Waxyaabaha ay soo jeedinayaan xubnaha Dimoqraadiga ayaa ka mid ah in heshiis kasta ay ku jiraan qodobo "macno leh" si loo ilaaliyo ikhtiyaarka xal laba dawladood ah oo loo helo khilaafka Israel iyo Falastiin.