Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Puntland oo shirarka siyaasadeed ka mamnuucday magaalada Garoowe.

Puntland oo shirarka siyaasadeed ka mamnuucday magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sheegay in Garoowe aan lagu qaban karin shir aysan ogeyn madaxda sare ee Puntland, ciddii qabataana ay ka qaadi doonan tallaabo adag.

Cabdiraxman Xaaji Abshir ayaa sheegay in siyaasiin ka kala yimid daafaha Puntland xilligan ay qorshanayaan in ay shirar ku qabsadaan Garoowe iyada oo uusan shirkaasi ogeyn maamulka gobolka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in siyaasiinta ay wada-hadal yeelan karaan, balse waxa uu faray in iska war qaba  ay ku fadhiistan.

Sidoo kale wuuxuu  ka codsaday dhammaan shacabka Puntland iyo siyaasiinta in ay si wadajir ah ugu shaqeeyaan amniga gobolka iyo kan Puntland.

Magalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa ku sugan inta badan hoggaanka mucaaradka maamulkaasi, kuwaas oo dhawaan sheegay in doorasho qof iyo cod ah aan laga qaban karin deegaanada maamulkaasi.