Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Faah Faahin ka soo baxeyso Qarax Muqdisho ka dhacay iyo Dowladda oo war kasoo saartay.

Faah Faahin ka soo baxeyso Qarax Muqdisho ka dhacay iyo Dowladda oo war kasoo saartay.

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Ismiidaamin ahaa oo xalay lagu weeraray Maqaaayad ku taalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay,  Qaraxa ayaana waxaa ka dambeeyey qof isa soo miidaamiyey oo isku qarxiyey dad shaah ku hor cabayey maqaayadda Blue Sky.

Qaraxa ayaa dhacay 9:00 fiidnimo xiliga Muqdishu, sida ay sheegeen ciidamada booliiska, waxaana jugta qaraxa si weyn looga maqlay xaafado badan oo ka mid ah Caasimadda Muqdisho.

Booliiska ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in Cabdifitaax Macalin Nuur Qeys oo ahaa agaasimihii xafiiska Muqdishu ee telefiishanka Somali Cable uu ku dhintay qaraxaasi is-miidaaminta ahaa, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Geerida Cabdifataax Qeys waxaa xaqiijiyey telefiishanka uu u shaqaynayey ee Somali Cable oo Facebook ku qoray inuu ku dhintay qaraxa dhacay xalay sidoo kale waxaa tacsiyeeysay Dowladda Soomaaliya.

Qaraxa kan ka horreeyey ayaa Muqdishu ka dhacay 29-kii September waxaana ku dhintay shan qof.

Dawladda Soomaaliya ayaa wadda hawlgallo milatari oo ka dhan ah al-Shabaab, waxaana madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Muqdishu kusoo dhoweyey ciidamo hor leh oo lagu soo tababaray dalka Eritrea.