Banaanbax weyn oo maanta ka dhacay Muqdisho.
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo dadka reer Falastiin.
Boqolaal dadweyne ah ayaa ka qeyb-galay banaanbaxan oo sidoo kale muujinayay sida looga horjeedo duqeymaha diyaaradaha Isreal ka ka wadaan dhulka Falastiiniyiinta.
Culimaddii halkaasi kula hadashay dadweynaha isku soo baxay ayaa waxa ay u sheegayn in banaanbaxan uu muujinayo gardarada Isreal ku hayso Muslimiinta Reer Falastiin.
Waxa ay intaas kusii darayn “Hubka la isticmaalayo ducada ayaa ka khatarsan, maxaa yeelay ducada Ilaahay ayay u jeeda. Ilaahayow guulle (Falastiin) waa isku soo aruursadeene.”
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor si adag u cambaareysay duqeymaha Israel, iyada oo ku baaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, ayada oo Israel xasuusisay qawaaniinta caalamiga ah.