Qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday xero Ciidan oo kutaalla Ceelasha Biyaha.
Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa saakay aroortii lagu weeraray saldhig ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa ammaanka ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha.
Sida aan wararka ku heleyno qaraxan oo loo adeegsaday gaari nuuca aan xabadaha karin oo Shabaab kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa, ayaa ku qarxay xerada ay degan yihiin ciidanka ammaanka ee ku sugan Ceelasha Biyaha.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan goordhaw ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka gurmadka deg dega oo halkaasi kasoo qaaday askarta dhaawacantay.
Tirada Dhimashada ayaa inta ilaa iyo hada la ogyahay waxa ay ku dhawdahay 10 Qof oo Shacab iyo Ciidamaba isugu jira waxaana suuragal ah in Qasaaraha uu intaa ka bato maadaamo bur bur xoog leh uu Qaraxan gaarsiiyay guryahii ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay.