Isimada Puntland oo go’aano culus soo saaray iyo Deni oo ka horyimid.
Isimimada dhaqanka Puntland ayaa xalay soo saaray go’aano culus oo ku aadan doorashada maamulkaas oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.
Isimada oo maalmihii u dambeeyay uu shirweyne uga socday Garoowe ayaa soo saaray baayan ka kooban 11 qodob, kaas oo lagu sheegay in xukuumadda looga baahan yahay inay doorashada ku qabato waqtigeeda oo ah 8-da Janaayo ee sanadka soo socda 2024, isla-markaana 66-da xildhibaanada ee baarlamaanka ku yimaadaan sidii hore ee xulista odayaasha dhaqanka.