Taliyaha Booliska Guriceel oo war culus ka soo saaray dilkii loo geystay walaalkiis.
Taliyaha booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudey ayaa ka hadlay dil xalay walaalkiis Cabdullahi Cali Hudey loogu geystay Guriceel.
Taliyaha ayaa sheegay in ninkii dilay walaalkiis ay ku raad-joogaan ciidamada amniga ee ka howlgala degmadaas.
Wuxuu sheegay in maanta ilaa xalay ay baarayeen qaabkii uu u dhacay dilkaas iyo cidda geysatay, isla markaana ay ka go’antahay inay soo qabtaan ninkii geystay dilkaas.
Taliyaha ayaa qabaa’ilka dega Guriceel ka codsaday in aysan geysan dil kale oo aano qabiil uusan u dilaacin kiiskaan, isagoo balan qaaday in gacan ku dhiiglaha ay cadaaladda hor keeni doonaan.