Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Amar Deg-deg siiyay Ciidamada Dowladda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Amar Deg-deg siiyay Ciidamada Dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo dhaweeyey go’aanadii ka soo baxay shirka, isagoo tilmaamay in Xukuumadda ay dadaal dheeraad ah galinayso tayada, Tirada, Cududda iyo qalabaynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si loo xoojiyo amniga guud ee dalka kala danbaynta, gaar ahaan deegganada laga xoreeyey AS.

Xamsa ayaa ku bogaadiyey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sugidda amniga gaar ahaan caasimadda oo uu sheegay in isbeddel badan oo amni ka muuqdo hadda, ciidankuna si gaara uga feejigan yihiin falalka amni darro,

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in hadda shacabka Soomaaliyeed si dhaw ula shaqeeyaan Ciidanka amniga taasina ay qayb muhiim ah ka qaadatay ka hor taga dhagaraha AS.

Gabogabadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa si deg deg ah u faray ciidamada qalabka sida ee ku sugan deegaannada ay saameeyeen roobabka iyo daadadka El-nino, inay qayb ka qaataan samatabixinta dadka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in kaalin wayn ka qaataan gurmadka dowladdu wado ee dadkaasi lagu gargaarayo.