Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Jabuuti oo Hawada u dirto Dayax-gacmeedka Djibouti 1A

Jabuuti oo Hawada u dirto Dayax-gacmeedka Djibouti 1A

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa hawada u dirtay Dayax-gacmeed ay ugu magac dartay Djibouti 1A kaas oo ku daray Liiska dalalka dayaxa sare u dirsaday aaladdaan muhiimka ah, waxaana tallaabadaan bogaadiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxa uu ku sifeeyay guul taariikhi ah oo Jamhuuriyadda Jabuuti ku tallaabsatay maadaama sare loo qaaday awoodda dhinaca tartanka Hawada sare oo Dalal badan oo caalamka ay ku loolamayeen sanadihii u dambeeyay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Guushaan lagu gaaray wadajir iyo wadashaqeyn ay sameeyeen Xukuumadda & Shacabka oo ugu dambeyn ka mira-dhaliyay hamigii ay lahaayeen oo ah in ay Dayax-gacmeed Hawada u dirsadaan.

“Fiidkaan waxaa Jamhuuriyadda Jabuuti diiwaanka u galay Dayax-gacmeedka Djibouti 1A oo ah aaladdii ugu horreysay ee Jamhuuriyaddu hawada u dirto, waxa uu gacan ka geysanayaa uruurinta xogta muhiimka ah ee Qaranka” Ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa muddo dheer waxa ay u xusul-duubeysay in ay gaarto riyadaan oo ugu dambeyn rumowday maadaama Dayax-gacmeedka Djibouti 1A hawada loo diray laguna guuleystay in uu gaaro halkii loo qorsheeyay.