Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Fatahaadaha ku dhuftay gobolka Gedo

Fatahaadaha ku dhuftay gobolka Gedo

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Gedo, Sheekh Maxamed Xuseen Alqaadi oo la hadlay warbaahinta Gudaha  ayaa ka warbixiyay xaaladda gobolkaas Gedo oo ay maalmihii u dambeeyay ay ku dhufteen roobaab daadad wata iyo fatahaado.

Gudoomiye Al-qaadi ayaa sheegay  in weli xaalad bani’aadanimo ay ka jirto gobolka, isaga oo tilmaamay inay haatan ugu sii daran tahay degmada Baardheere oo ay weli ku go’doonsan yihiib qoyasas badan.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay dowladda federaalka iyo Jubbaland oo iska kaashaaday gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay Gedo.

Xaaladda ugu adag  ayaa laga soo warinayaa magaalooyinka ay marayaan wabiyada iyo kuwa u dhow xeebaha, halkaas oo ay ku dhufteen daadad xoogan oo sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka taagan xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo ka dhalatay xaaladda Elnino oo si weyn loga dareemay dalka,