Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan muhiim ah la qaatay danjire Mike Nithavrianakis.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan muhiim ah la qaatay  danjire Mike Nithavrianakis.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis.

Shirka Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray horumarinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee UK iyo Soomaaliya, wax ka qabashada saameynta El Niño, iyo u diyaargarowga shirweynaha caalamiga ah ee cunnada kaas oo lagu wado in dhawaan uu ka dhaca dalka Ingiriiska.

Safiirka Uk u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis ayaa Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ugu mahadceliyey soo dhaweynta uu ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka.

Dowlada  Ingiriiska waxa ay ka mid tahay dalalka xiriirka wanaagsan kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, waxa ayna ka taageertaa dhanka dhismaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo arrimaha Beni’aadannimada.