Eeyaha jooga Gaza oo bilaabay in meydadka cunaan iyo xaalad adag oo ka taagan Isbitaalka.
Magaalada Gaza ee dhulka shacabka Falastiin waxaa ka socda dagaalo xooggan iyo duqeymo culus oo lagu garaacayo, waxaana qeybo badan oo kamid ah magaalada Gaza daadsan meydadka dadka shacab ah .
Warbaahinta Al-jazeer ayaa tabinaysa in eeyaha kunool magaalada Gaza baahi dareed hadda bilaabeen in ay cunaan hilbaha dadka dhintay ee yaalla waddooyinka iyo xaafadaha kuyaalla magaalada Gaza.
Ciidamada Isreal ayaa go’doomiyay isbitaalka ugu weyn magaalada Gaza ee Al-Shifa, waxaana halkaasi yaalla bukaanno badan oo qaba dhaawacyo kala duwan iyo carruur dhallaan ah oo waqtigooda buuxsamin.
Dad badan oo ku sugnaa gudaha isbitaalka go’doonsan ee Al-Shifa, ayaa lasoo tabinayaa in ay dhinteen, waxaana dadka dhintay ku jira carruur, waxaa sidoo kale xaalad halis ah ku jira dad kale oo isbitaalka ku jira, kuwaa oo nolol adag wajahaya.
Caalamka ayaana indhaha ka eeganaya xasuuqa ka socda magaalada Gaza, waxa ayna ciidamada Isreal bur buriyeen inta badan magaalada Gaza, waxa ay hadda go’doomiyeen oo korontadii iyo biyihii ka jareen isbitaalka Al Shifa iyo kuwa kale.