Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Khaatumo oo ka hadashay sababta looga reebay tartanka ciyaraha maamul-goboleedyada Soomaaliya.

Khaatumo oo ka hadashay sababta looga reebay tartanka ciyaraha maamul-goboleedyada Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Bulshada SSC-Khaatumo Dr. Yusuf Saleeban Sancad oo ka hadlay in SSC-Khaatumo laga reebay tartanka ciyaraha maamul-goboleedyada Soomaaliya.

Magaca Khaatumo ayaa ka soo muuqday liiska isku aadka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo dhawaan ay shaaciyeen wasaarada ciyaaraha iyo xiriirka kubada cagta ee dalka.

1. Ugu horreyn, Waxaan ogaysiinaynaa Bulshada Soomaliyeed iyo Shacabka SSC-Khaatumo in Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha JFS iyo Xidhiidhkuba ay dedaal weyn ku bixiyeen sidii SSC-Khaatumo uga qaybgeli lahayd Tartanka Kubadda Cagta ee ka furmi doona Caasimadda Muqdisho.

2. Marka xigta, ma jirto war Rasmi ah oo naga soo Gaadhay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JFS, islamarkaana waxaanu ku guda jirnaa diyaar Garowgii aanu kaga qaybgeli geli lahayn tartanka, Anagoona rajaynayna inaanu guul ka keeni Doonno.

3.Ugu danbayn, Waxaan ku boorrinayaa  Xulka Kubadda Cagta SSC-Khaatumo in ay sii Labanlaabaan dedaalka iyo diyaargarowga jidheed Iyo maskaxeed ee ay ugu jiraan ka qaybgalka Tartanka iyo hanashada Koobkaba. Islamarkaana Aysan ku mashquulin wararka iyo dacaayadaha Aysan waxba ka jirin,  kuna kalsoonaadaan Maamulkooda.

Xogahayaha Arrimaha Bulshada  Dr. Yusuf Saleban Sancad

Shalay ayey aheyd markii ay soo baxaday wararka sheegayo in wasaaradda ciyaaraha Soomaaliya ay sheegay in gabi ahaanba laga reebay ciyaartoyda xulka SSC- Khaatumo ka qayb galka ciyaaraha Maamul Goboleedyada dalka oo dhawaan la filayo inay ka furmaan magaalada Muqdisho.

Ilahan ayaa sheegay inay arintan u qaadatay soo jeedin ka timid guddiga garsoorka ee ciyaaraha oo tilmamaay inaysan SSC- Khaatumo buuxin shuruudihii looga baahnaa ka qayb galkooda ciyaarahan

Waxaa sidoo kale wasaaradda ciyaaruhu ay sheegtay inaysan jirin cid cadaadis ku saartay inay ka reebaan liiska ka dib warar soo baxay oo sheegay inay culays soo food saaray.

Balse Xogahayaha Arrimaha Bulshada SCC  Dr. Yusuf Saleban Sancad ayaa siagu tilmamay in aan weli lagu soo wargelin arrintaasi.