Rw Itoobiya oo si cad u qeexay damaca itoobiya ku doonayso dhul badeed ay dekado ka sameyso.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar kale ka hadlay rabitaanka Itoobiya ee dhul badeed, kaasi oo dhawaan hadal hayn badan dhaliyay, loogana fal-celiyay siyaabo kala duwan.
RW Abiy ayaa waxa uu si cad u sheegay in dalkiisu uusan marnaba dagaal qaadayn, si uu bad u helo, balse ay u marayaan waddo aan aheyn colaad, islamarkaana ay ku raadinayaan qaab sharciga waafaqsan.
Waxa uu sheegay in Itoobiya aysan marnaba diyaar u ahayn inay xabbad ku rido dalalka jaarka ah ee Eritrea, Jabuuti, Soomaaliya iyo Kenya, si ay u hesho bad, sida uu hadalka u dhigay.
“Xaaladdu siday noqon karto ma garan karno haddii arrinta badda ee ay Itoobiya u baahan tahay aan wada-hadal lagu dhammayn,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in dalkiisu hadda uu isticmaalo dekadda Jabuuti, oo ah halka kaliya ee ay maanta Itoobiya u isticmaasho waxa ay dhoofiso iyo waxa ay soo dejiso labada.
“Itoobiya xaq ayay u leedahay inay hesho bad, si waafaqsan sharciga ganacsiga,” ayuu yiri Abiy, isaga oo xusay in dalkiisu uu 30 sano kahor uu lahaa labo dekadood oo ku yaalla Eritrea oo waqtigaa kamid ahayd dalka Itoobiya.