Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Kulan looga hadlay xoojinta Amniga Cadale & Raage-Ceelle oo ka dhacay Shabeelaha Dhexe.

Kulan looga hadlay xoojinta Amniga Cadale & Raage-Ceelle oo ka dhacay Shabeelaha Dhexe.

Degmada Cadale Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka dhacay kulan looga hadlay amniga Deegaannada hoostaga Degmadaas & Raage-Ceelle oo dhowr jeer ay ku dagaalameen maleeshiyo-beeleed hubeysan.

Kulankaan oo ay ka qaybgaleen Wasiirro katirsan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, Mas’uuliyiinta Garsoorka, Saraakiisha Ciidamada ammaanka iyo Maamullada Cadale iyo Raage-Ceelle waxaana lagu go’aamiyay in gacan adag lagu qabto cid weliba oo amniga ka dhan ah.

Maamullada Cadale & Raage-Ceelle ayaa dhankooda ballanqaaday in ay Hay’adaha amniga u gudbinayaan cid weliba oo ku howlan falal liddi ku ah Nabadgalyada iyo Xasiloonida Deegaannada u dhaxeeya labadaas Degmo.

Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa daraawiishta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa gacanta ku haya amniga deegaannadii ay horay ugu dagaalameen Maleeshiyo-beeleed hubeysan oo dad iska dilay isla markaana gubay Guryo ay degen yihiin Dad rayid ah.