Weerar lagu dilay 14 ruux oo rayid ah oo ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo.
Koox hubeysan oo aan la garan haybtooda ayaa weerar ay ka fuliyeen tuullo ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo waxa ay ku dishay ugu yaraan 14 ruux oo Rayid ah halka ay dhaawacday tiro kale sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo Warbaahinta xogtaan la wadaagay.
Ciidamada Dowladda ayaa durba falkaan dusha ka saaray kooxaha hubeysan ee muddooyinkii dambe weerrada ka fulinayay Dalkaas waxaana ay ku goodiyeen in ay qaadayaan tallaab jawaab u ah dhibaatada loo geystay Dadkaan Shacabka ah.
Kooxda dusha laga saarayo weerarka ee lagu magacaabo Allied Democratic Forces (ADF) oo fadhigeedu yahay Dalka Uganda ayaa dusha laga saaray mas’uuliyadda weerarkaan sababay dhimashada iyo dhaawaca Dadka rayidka ah.
Weerarkaan waxa uu dhacay waqti habeen ah iyada oo kooxda hubeysan ee falkaas ka dambeysay ay gashay Tuulooyin kala duwan oo dhaca Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo iyada oo beegsatay Dadkaas.
Kongo waxa ay kamid tahay Dalalka inta badan dhibaatooyinka loogu geysto Dadka ku sugan Tuulooyinka ee ah Xoolo dhaqato & beeraley, sababta loo beegsado waa in ay xog badan ay ka hayaan dhulka ay isku hayaan Ciidanka Dowladda & Jabhadda hubeysan ee kasoo horjeedda.