Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Saddex gabdhood oo ku dhintay dhismo derbi ah oo ku soo dumay.

Saddex gabdhood oo ku dhintay dhismo derbi ah oo ku soo dumay.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo maanta ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, taas oo sababtay dhimasho iyo burbur soo gaaray guryo ay daganaayeen dad shacab ah.

Dhacdadan ayaa timid, kadib markii uu soo dumay dhisme dabaq ah oo laga dhisayay agagaarka isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah dadka deegaanka Aayaa tilmaamay in dhismaha soo dumay ay dhabarkiisa dambe daganaayeen, isla markaana uu kusoo kordhacay, iyaga oo hurdo, qaarna ay jireen salaaddii subax.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay inay dhinteen saddex gabdhood oo daris la’ahaa, kadib markii uu kusoo dul dhacday dhismaha soo dumay, isaguna ka burbureen laba qol.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mid kamid ah haweenka ay ahayd Umul, isla markaana ay kamid noqotay dadka ku dhintay mashaqadaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan dhacdadaas xanuunka ku reebtay dadka deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayay khasaaraha ka dhasha dhismaha dumayo, iyada oo loo sababeynayo khibrad la’aan iyo farsamo xumo darteed.