Xildhibaannada mucaaradka oo Kudlad cusub uga dhawaaqay Muqdisho.
Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana u badan xubnaha mucaaradka ayaa maanta Kudlad la magac baxday Toosin Qaran uga dhawaaqday magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeenna Soomaaliya.
Xildhibaannadan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay ujeedkooda iyo sidoo kale Kudlada ay maanta ku dhawaaqeen, taas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in sidoo kale Kudladan ay meteleyso guud ahaan shacabka Soomaaliya, loona dhisay la xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee dowladda dhexe.