Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Diyaarad ku burburtay meel u dhow caasimadda dalka Japan

Diyaarad ku burburtay meel u dhow caasimadda dalka Japan

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya diyaarad laga leeyahay Mareykanka oo ku burburtay dalka Japan

Diyaarad laga leeyahay dalka Mareykanka oo ay la socdeen 8 askari ayaa ku burburtay xeebaha dalka Japan.

Warbaahinta gudaha ayaa soo xigatay saraakiil sheegaya in haraaga diyaaradda CV-22 Osprey ay u badan tahay in laga helay jasiiradda Yakushima.

Warbaahinta Japan ee NHK ayaa sheegtay in diyaaraddu isku dayaysay in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee Yakushima. Waxana intaa lagu daray in diyaaraddu gubatay.Matoorka bidix ee diyaaradda ayaa gubtay sida lagu sheegay wararka la baahiyay.

Waxaa loo malaynayay inay ka ambabaxday saldhigga ciidamada cirka ee Yokota ee Tokyo kuna sii jeeday saldhigga Kadena ee Okinawa.

Yakushima, oo ku taal ismaamulka Kagoshima, waxay dhacdaa koonfurta jasiiradda Kyushu ee Japan.