Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho ka bilaabay olole taageero loogu raadinayo go’aandii madasha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Galmudug  oo Muqdisho ka bilaabay olole taageero loogu raadinayo go’aandii madasha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qooqoor ayaa bilaabay ol-ole uu taageero ugu raadinayay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee bishii May, kaasoo qodobadii ka soo baxay ka mid ahaa in nidaamka Madaxtinimada dalka u guuro Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen iyo in doorasho wadajir ah ka dhacdo dowlad Goboleedyada oo dhan

Madaxweyne Qoorqoor oo galabta Muqdisho kula shiray Xildhibaannada laga soo doorto Galmudug ayaa ka dalbaday meel marinta heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran oo xubno ka mida Xildhibaannada ay ka soo horjeedaan.