Kulanka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Buuq xoog leh ku billowday.
Kulan xasaasi ah oo ay maanta xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku lahaayeen xatunta Villa Hargeysa ayaa lagu kala tegay, kadib markii uu buuq xoogan uu hareeyay hoolka ay ku shiraayeen xildhibaannadu.
Doodda ayaa ka dhalatay laba ajende oo la horgeeyay Baarlamaanka, kuwaas oo kala ahaa xisaab xirka miisaaniyadda sanadkii hore iyo meel-marinta misaaniyadda sanadka cusub, taas oo ay su’aallo ka keeneen xildhibaanada oo diiday in la’isku qabto labada ajende.
Sidoo kale xildhibaanada qaar ayaa ka horyimid in kulankan uu guddoomiyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo madasha ku sugnaa, taas oo ahayd oo dood kale oo meesha tiilay.
Intaas kadib waxa sii xoogeystay buuqa, kadibna waxaa go’aan qaatay guddoomiye Cabdi Xaashi oo si deg-deg ah usoo farageliyay arrintan kadibna soo xiray kulanka baarlamaanka.
“Haddii ay arrintu sidaa tahay shirku waa innoo xiran yahay, ballanta dambana waan soo sheegi doonaa” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Sidoo kale waxaa arrintan ka hadlay qaar kamid ah xildhibaanada Golaha