Digniin laga muujiyay xaaladaha ka dhalan kara Daadadka & Fatahaadaha ku dhuftay Soomaaliya.
Hay’ado kala duwan oo qaarkood hoostaga Qaramada Midoobay ayaa digniin ka muujiyay xaaladaha bani aadamnimo iyo caafimaad ee ka dhalan kara Daadadka Roobka & fatahaadda Webiyada ay ku sameeyeen Gobollada Dalka.
Inkasta oo xaaladu kala adag yihiin balse waxaa jira Degmooyin iyo deegaanno weli ay fadhiyaan biyaha Daadadka iyo fatahaadda ka dhashay halka qoysaskii deegaanka ku ahaa ay ku nool yihiin xaalado dhanka Nolosha ah.
Waxyaabaha inta badan laga digayo waa cudurrada ka dhalan kara biyaha aan wanaagsaneen ee ay dadku cabbayaan, cunno la’aanta heysata, Duumada ama kaneecada & shuban-biyoodka sida hadalka loo dhigay.
Dowlad-Goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle ayaa ugu badan deegaannada daadadka roobka iyo fatahaadda Webiyada saameynta taban ku reebeen waxaana Magaalooyinka qaar ka maqan qoysaskii degenaa.