Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Faahfaahino laga helayo dagaal beeleed ka dhacay shabelada Dhexe

Faahfaahino laga helayo dagaal beeleed ka dhacay shabelada Dhexe

Taliyaha Nabad-Sugidda dowlad goboleedka HirShabelle Macalllin Yuusuf iyo saraakiil ka tirsan booliiska ayaa ku baxay dagaal beeleed saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliye Macallin Yuusuf iyo ciidamo uu hoggaaminayay ayaa gaaray inta u dhaxeysa deegaannada Qurac-Madoobe iyo Aqab-duco oo hoostaga Mahadaay, halkaasi oo Jimcihii laba maleeshiyo beeleed uu ku dhexmaray dagaal khasaare culus dhaliyay.

Taliyaha iyo saraakiil ka tirsan ciidanka HirShabeelle ayaa si gaar gaar ah ula kulmay dhinacyada dagaalku dhexmaray, iyagoo ka codsaday in colaadda la joojiyo, si aan mar kale deegaannada loogu dagaalamin oo dhiig kale u daadan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dhinacyada la kala dhex-dhigay ciidamo, si ay u joojiyaan dagaalka. Xaalada deegaannada Qurac-madoobe iyo Aqab-duco ayaa deganaa saacadihii ugu dambeeyey, mana jiro wax dagaal ah oo socda.