Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay in Garoonka Diyaaradaha & Dekedda Muqdisho aay noqonayaan goobaha ugu dambeeya ee Ciidanka ATMIS ka baxayaan.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in qorshaha bixitaanka Ciidanka Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika ATMIS uu u socdo sidii loo qorsheeyay.
Goobaha ugu dambeeya ee ciidankaan afrikaanka ah isaga baxayaan ayuu ku sheegay in ay yihiin Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) iyo Dekedda Muqdisho oo mas’uuliyadda kala wareegi doonnaan ciidanka Soomaaliya.
“Garoonka Diyaaradaha & Dekedda Muqdisho waa goobaha ugu dambeeya ee ciidanka ATMIS ka baxayaan, qaybaha ugu dambeeya ee bixitaanka askartaan ayay ku jiraan, Dalka oo dhan amnigiisa ayaa lala wareegayaa micnaheedu waa in ciidanka Soomaaliya ay ku filnaadaan amniga guud ee Dalka” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Dhammaadka 2024 oo ah waqtiga ugu dambeeya ee joogitaanka Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS balse waxa uu sheegay in laga yaabo in ay timaado baahi kale oo kumeel-gaar gelinaya ciidankaan inkasta uu ku adkaystay in qorshaha Dowladdu uu yahay in askartaan ay baxaan.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhanka kale sheegay in hadda lasii oddorasayo qorshaha sanad kaddib laga sameynayo Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.