Deg-deg:-Musharax Madaxweyne Puntland Cabdicasiis Afguduud oo u geeryooday shil uu galay
Musharax Madaxweyne Puntland Cabdicasiis Afguduud ayaa u geeryooday shil uu galay gaariigii uu saarnaa xilli maanta safar u soo ahaa Magaalada Qardho oo soo dhawayn loogu diyaariyey.
Musharrax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf (Af-Gaduud) ayaa sida la xaqiijiyay ku geeriyooday shilka saaka ka dhacay degaanka Alxamdulilah gaar ahaana Qayaadsame ee Gobolka Bari.
dhaawaca laba kamid ah dhalinyaradii la socotay musharaxa oo uu ki jiray wiil uu dhalay ayaa la soo warinayaa in uu shilku ku geeriyooday Dhimashada hal qof oo kale ayaa la soo warinayaa in uu jiro
Marxuum Cabdicasiis Af-Gaduud ayaa ka soo kicitimay Boosaaso waxaana uu ku sii jeeday magaalada Qardho halkaas oo ay ka socotay soo dhaweyntiisa.
Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland iyo siyaasiyiinta Mucaaridka ah ayaa durba ka tacsiyeeyay geerida marxuum Cabdicasiis Af-Guduud.