Ciidamadda Xoogga Dalka Oo La Wareegay Deegaano Cusub Oo Ka Tirsan Mudug.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa saaka la wareegay Deegaano dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.
Deegaanada ay Ciidamado la wareegayn ayaa kala ah Dhagaxdheer iyo Dahar-Cali xayloow kuwaas oo dhammaan hoostaga magaalada Caad.
Saraakiisha Ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wali uu socdo howlgalka islmarkaana Shabaab lagu baacsanayo Dhulka howdka ah.