Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Somaliland oo si aad ah u difaacday heshiiska Badda ee Ethiopia

Somaliland oo si aad ah u difaacday heshiiska Badda ee Ethiopia

Xukuumadda Somaliland ayaa difaacday heshiiska madaxweyne Muuse Biixi uu shalay Addis Ababa kula saxiixday ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed Cali.

Heshiiska is-fagarad ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland ka hesho dekad iyo bad ay saldhig ka dhigtaan ciidamadeeda badda ee dhowaan dib loo aas-aasay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, oo sidoo kalena ah afhayeenka xukuumadda ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay gelista heshiisyo noocaan ah, ee faa’iidada ugu jirto, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu heshiiskaan ku tilmaamay guul taariikhi ah iyo in Somaliland ay markii u horreysay ay hesho aqoonsi caalami ah, kaasi oo ay raadineysay in ka badan 30 sano.

“Kiraynta albaab baddeed dhan 20 KM ah waa Taariikh weyn oo lagu Tallaabsaday, waxana ku jira in heshiiskaas lagu doorsado aqoonsi iyo koboc dhaqaale,” ayuu yiir Wasiir Cali Xasan Mareexaan.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa tallaabo wax ka beddelaysa taariikhda, waana heshiis geesinimo leh oo hore loo qaaday, waxayna albaabada u furaysaa mustaqbal ifaya oo ay gaadhaan Somaliland iyo Itoobiya.”

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.