Dowlada Soomaaliya oo u yeertay safiirkeeda Itoobiya, soona saartay qaraar culus.
Dowlada Soomaaliya oo u yeertay safiirkeeda Itoobiya, soona saartay qaraar culus.
Golaha Wasiiradda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oo goordhoweyd Muqdisho ku yeeshay shir deg deg ah oo aan caadi aheyn, ayaa qaraar xasaasiya kasoo saartay heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya.
Afhayeenka xukuumadda oo warbaahinta la wadaagay go’aamada kasoo baxay shirkii aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirada, ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay si deg deg ah ugu yeertay safiirkeeda Itoobiya.
Qaraarka xukuumadda ee heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya heshiiska ay shalay Addis Ababa ku gaareen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.