Madaxweynaha Soomaaliya oo qaaday Tallaabooyin ka dhan ah dowladda Itoobiya iyo xiisadda labada dal oo xoogesatay
Saacadihii lasoo dhaafay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Aala-thaani & Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdifitaax Al-Sisi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Aala-thaani waxa ay si toos ah uga wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo Xiriirka ka dhaxeeya Xukuumadaha Dooxa & Muqdisho.
Qatar ayaa ballanqaadday in ay kordhineyso taageerrada iyo garab istaaggeeda Soomaaliya halka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dhankiisa adkeeyay in Xukuumadda ay adkayneyso dhinaceeda cilaaqaadka labada dhinac.
Intaas kaddib Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Cabdifitaax Al-Sisi ayaa dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay kawada hadleen xiriirka Xukuumadaha Qaahira & Muqdisho si loo xoojiyo.