Talaado, 24 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ayaanle Mudakar oo dhaawacyo loogu gaystay Munaasabad ka dhacaysay Magaaladda Bonn.

Ayaanle Mudakar oo dhaawacyo loogu gaystay Munaasabad  ka dhacaysay   Magaaladda Bonn.

Ayaanle Mudakar ayaa Dhaawacyo loogu gaystay Munaasabad  ka dhacaysay   Magaaladda Bonn.

Ayaanle Mudakar oo la hadlay SMS Tv ayaa waxaa uu sheegay in uu ka badbaaday isku day di loo loo geesan rabay

Ayaanle  ayaa sheegay in uu  Goobta u tagay sidii uu  Warbixin kasoo duubi lahaa  balse Qaar kamid ah Abaabulayaasha Munaasabada  ay  hor  istaagay islamarkaan weerar ku qaaday isaga.

Ayaanle Mudakar”Falkaan ay ku kaceyn  Mas’uuliyiinta xisbiga Waddani ee dalka Jarmalku wuxuu ahaa Weerar Qorshaysan weerar isku day dil ay igu soo qaadeen”sidasi waxa u sheegay Ayaanle Telefishinka SMS

Wariyaha waxa Goobta  Xafladda  ay ku  balansanaayeen  siyaasiga Xafladda loo qabtay  oo ah Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka  xibiga Waddani.

Dhanka kale  Sababta wariye Ayaanle Mudakar  loo hor istaagay ayaa la sheegay in Goobta uu ka  jiray khilaaf  ka dhex dhacay kooxda qabqaabadda Munaasibadda kuwaas oo aan ogolayn in wax la duubo .