Talaado, 24 Nofembar 2026
Caalamka

Madaxweynaha dalka Masar oo martiqaad u fidiyay madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud,

Madaxweynaha dalka Masar oo martiqaad u fidiyay madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud,

Madaxweynaha dalka Masar Cabdilfataax Al-Siisi , ayaa martiqaad u fidiyay madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, kaa oo la filayo in maalmaha soo aadan tago magaalada Qaahira.

Wafdi sare oo ka socday dowladda Masar oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa madaxweyne Xasan Sheekh soo gaarsiiyay marti-qaadka uu u fidiyay dhigiisa dalka Masar, waxa ayna labada madaxweyne kawada hadli doonaan arrimo xasaasi ah.

Masuuliyiinta ka socotay Masar ee madaxweyne Xasan Sheekh kula kulantay magaalada Muqdisho ayaa ku celiyay in madaxweyne Al-Siisi uu si aan leexleexad lahayn u taagersan yahay gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Masar oo maalmo kahor telfoon kula soo hadlay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu kala hadlay xad-gudubka dowladda Itoobiya , waxa uuna madaxweynaha Masar u ballan-qaaday Soomaaliya garab istaag muuqda.