Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Arimaha aad u baahantahay inaad wax ka oggaatid Habraaca Ansixinta Wax-Ka -Bedelka Dastuurka?

Arimaha  aad u baahantahay inaad wax ka oggaatid Habraaca Ansixinta Wax-Ka -Bedelka Dastuurka?

1.Ujeedka  Habraaca Wax-ka-beddelka Dastuurka: 

Habraaca Wax-ka-beddelka Dastuurka waa xeer-hoosaadka labada aqal ee BFS ee tilmaamaya  hannaanka kulamada wadaagga ah ee labada aqal maadaama uusan jirin xeer-hoosaad maamulaya kulamada  labada aqal ay wadaagaan.

2.  Muxuu ka koobanyahay Habraacan?

Habraacan wuxuu nidaaminayaa doodda xildhibaanada oo ah inta xildhibaan kastaa uu fikradiisa ka dhiiban karo oo ah daqiiqadaha ku xusan xeer-hosaadka labada aqal,  shir-guddoonka kulamada wadajirka ah ee labada aqal ee BFS  iyo habraaca loo marayo ansixinta wax-ka-baddelka soojeedimaha wax-ka-beddelka oo ah saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Golaha Shacabka iyo saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Aqalka Sare si waafqsan Qodobka 136 (1) ee Dastuurka KMG ah.

3.Habraaca Ansixinta Wax-kabeddelka Dastuurka ma waafaqsanyahay Dastuurka KMG ah?

Habraacan berito loo ballansanyahay waa habraaca waafaqsan cutubka 15aad ee Dastuurka KMG ah, qodobka 57aad ee Dastuurka KMG ah iyo  xeer-hoosaadyada labada Aqal ee BFS.

4.Yaa awood u leh habraacan in uu soo saaro?

Baarlamaanka FS ayaa awood u leh  dejinta habraacaan iyo habraacyada  kale ee hagaya hawlaha guddiyada isku dhafan iyo arrimaha dib-u-eegista dastuurka si waafaqsan cutubka 6aad ee Dastuurka KMG ah iyo xeer-hoosaadyada labada Aqal ee BFS.

Berito Baarlamaanku ma ansixinayo nuxuurka wax-kabaddelka Dastuurka ee wuxuu u ballansanyahay ansixinta habraaca iyoxeer-hoosaadka labada aqal ee loo marayo wax-kabeddelka dastuurka oo waafaqsan cutubka 15aad iyo qodobka 57aad ee Dastuurka KMG ah.