Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Maamulka cusub ee khaatumo oo waddo qorshaha horumarinta waxbarashada deeganadaasi.

Maamulka cusub ee khaatumo oo waddo qorshaha horumarinta waxbarashada deeganadaasi.

Wasaaradda Waxbarashada , Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee SSC-Khaatumo ayaa degmada Xudun  iyo Deegaamada Hoos yimaada gaadhsiisey  Nidaamka Waxbarashada ee EMIS-Ka ee SSC-Khaatumo .

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada , Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee SSC-Khaatumo Farduus Ibraahim Cali Shire , oo ay weheliyaan Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka Proff. Maxamuud Quulle ayaa safaro ku gaadhey deegaanada kala duwan ee degmada Xudun  .

Nidaamka EMIS-ku  oo ah Mid Sahlaya ururinta  Xogta iyo Tirakoobka arday kasta oo ku sugan Goobaha Waxbarashada ee deegaanada SSC-Khaatumo , sidoo kale Nidaamkan ayaa sahlaya in si fudud loola socdo isbedelkiisa Waxbarasho ee arday .