Mayd la geeyay Masjid ku yaalla Muqdisho oo la diiday in lagu tukado
Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa sababta keentay mayd laga celiyay isaga oo aan lagu tukan masjid ku yaalla deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedkaMuqdisho, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan.
Sheekh Nuur Cali Jaamac oo kamid ah culimada masjidkaas oo lagu magacaabo Waalidayn ayaa ka hadlay sababta loogu dukan waayay marxuumka ee dib looga celiyay masaajidka.
Ugu horreyn Sheekha ayaa sheegay in masjidka Waalidayn uu yahay masjid weyn, isla markaana ay aaminsan yihiin in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad wada islaam ah, sidaas daraadeedna aysan iyagu dadka weydiin in qofka la keenay uu yahay islaam ama gaal, sida uu sheegay Sheekhu.
Waxaa kale oo uu raaciyay “Saas daraadeed waxaa dhacda in Masjid Waalidayn maalintii 10 Janaaso in lagula tukado, maalin aan Janaaso lagula tukan ma jirto”.
Sheekh Nuur Cali Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay arrinta shalay ka dhacday masaajidka ee keentay in dib looga celiyo mayd loo keenay in lagu tukado Janaaso.