Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Xuska Sannad Guurada Millateriga Somaliland oo sannadkan baaqday

Xuska Sannad Guurada Millateriga Somaliland oo sannadkan baaqday

Waxa gabi ahaaba baaqatay munaasibada Sannad Guurada Ciidamada Millateriga Somaliland, oo ku beegnayd 2 bishan, taasi oo siyaabo kala duwan looga falceliyay.

Xisbiga Waddani ayaa dhankiisa xukuumada ku eedeeyay in baaqashada munaasibadu ay tahay fashil ku yimid xukuumada,  Afhayeen Maxamed Faarax Cabdi, ayaa isagu dib u dhaca munaasibada la xidhiiyay jabkii ciidanka kasoo gaadhay dagaalkii 25 August 2023 ee Laascaanood.

Dhanka kale xukuumada Somaliland oo ka jawaabtay eedaynta mucaaradka ayaa sheegtay in munaasibadaha mararka qaar dib loo dhigi karo, isla markaana anay wax dhibaato ahi ku jirin.

Marka laga yimaado hadalka wasiirka xukuumadu wax faah faahin ah kama bixin waxa sababay in ay baaqato munaasibada ciidanku, isla markaana madaxweynaha Somaliland wax hambalyo uma dirin ciidanka xuska sannad guuradiisa.

Ciidamada Somaliland ayaa sannadkii hore jab kala kulmay dagaal muddo 8 billood ah ka socday magaalada Laascaanood, iyada oo laga qabtay askar ku dhaw 300, oo ay ku jiraan saraakiil, iyo hub.