Faah”Fahino laga helay dad oromo ah oo lagu laayey Magalada beledxaawo ee Gobolak Gedo.
Maleeshiyo hubeysan ayaa Xalay xilli dambe oo fiidkii ahayd ku Dishay Beledxaawo Qoysas isugu jiro Caruur iyo Haween ka dhashay qoomiyadda Oromada.
Wararka laga helayo Beledxaawo ayaa sheegaya in Khasaraha uu gaarayo ilaa Todobo dhimasha ah iyo Todoba dhaawac ah ayay goob wada dhigeen, waxaana ku jiray Hooyo Soomaaliyeed.
Ila Sirdoon ayaa sheegay in ay isticmaalayeen maleeshiyada weerarka gaysatay Moto, tirada fulisay qorshahan dilka ayaa lagu sheegay ilaa 5 Ruux , waxa uuna weerarka dhacay qiyaastii 3:40Am, habeenimo.