Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Xogta Saraakiil iyo askar loo xiray weerarka SYL, oo fududeyay weerarkii Xalay ee Hotel SYL,

Xogta Saraakiil iyo askar loo xiray weerarka SYL, oo fududeyay weerarkii Xalay ee Hotel SYL,

Ciidamada amniga dowladda ayaa soo fajaray howgalkii ka socday gudaha hoteelka SYL oo xalay ay gudaha u galeen dabley ka tirsan Al shabaab ka dib weerar qaraxyo ku bilowday uu ay ku qaadeen.

Ciidamada ayaa dilay dhamaan kooxdii gudaha u gashay hoteelka sida ay sheegeen saraakiisha amaanka DF

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxda ka dhex dagaalameysay hotelka ay ahaayeen ilaa 3 xubnood oo ku lebisnaa dareyska ciidamada amaanka dowlada.

Xaalada ayaa hadda degan ka dib dagaal iyo qaraxyo 12 saacadood ka socday gudaha hotelka, waxaana baaritaano lagu hubinayo amniga hotelka ka wada Ciidamada Dowlada.

Xildhibaano iyo masuuliyiin dowladeed ayaa laga soo badbaadiyey gudaha Hotelka illaa xalay, qaar kale waxaa la geeyey goobaha caafimaadka iyagoo dhaawacyo kala duwan qaba, iyadoo kuwo kale oo hotelkaas ku jirayna aan weli la ogeyn nolol iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin.

Afhayeenka Xukuumada Farxaan Jimcale, taliyaha ciidanka Haramcad Cabdixamiid Fanax, iyo masuuliyiin kale ayaa la xaqiijiyey iney soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Marka laga soo tago miinooyin la dhigo dhinacyada waddooyinka iyo hoobiyeyaal, Muqdisho way ka ladnayd weerarrada lagu qaado xarumaha dawladda iyo hoteellada bilihii u dambeeyay.