SAWIRRO:-Dowladda Soomaaliya oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Weerarkii Hotelka SYL
Afhayeenka ciidanka Booliska Qaasim Axmed Rooble oo Warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in dabley gaareysa 5 qof ay Weerar ku bilowday qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxo qarxa ku qaadeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo gaaray dad isugu jiray mas’uuliyiin, Askar ciidan iyo dad shacab ah, kuwaasi oo ku sugnaa gudaha hotelka, xilli uu weerarka saacadaha badan qaatay bilaabanayay.





