Talaado, 24 Nofembar 2026
Siyaasadda

Golaha Baarlamaanka oo ka dooday cutubka-4aad ee dastuurka

Golaha Baarlamaanka oo ka dooday cutubka-4aad ee dastuurka

Guddoonka Baarlamaanka ayaa shir guddoomiyay kulanka wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha kulanka maanta wuxuu ahaa doodda madaxyada saddexaad iyo afaraad ee gunaanadka u ah cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah.

Ka doodista cutubka afaraad madaxyada saddexaad iyo afaraad ee gunaanadka u ah cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah,waxaa aragtidooda ka dhiibtay in ka badan boqol Mudane oo isugu jira Sanatarro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baaarlamaanka JFS, kuwaas oo soo bandhigay aragtiyadooda ku aaddan qoddobada laga doodayay.