Taliyihii Guutada Abuu Dujaana oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo xilka la wareegay
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa xil ka qaadis iyo isbedel ku sameeyay qaar kamid ah taliyaasha guutooyinka ciidanka xoogga, kaddib markii ay fashilmeen howlgaladii ka dhanka ahaa Al Shabaab.
Jeneraal Ibraahim ayaana xilka ka qaaday ciidamada Guutada 27-aad ee Abuu Dujaana G/le Nuurdiin Xuseen Macalin, waxa uuna taliyaha xilkaasi u magcaaabay G/Le Maxamed Nuur Maxamed Cabdi .
Taliye ku xigeenka ciidanka Dhulka Gen C/laahi Aden Xusein (Ciiro) ayaa xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Guutada Abuu Dujaana iyo taliyaha cusub ee ciidankaasi dhawaan loo magacaabay.
Isbedelka lagu sameeyay qaar kamid ah taliyaasha guutooyinka ciidanka xoogga dalka ayaa imaanaya xilli uu joogsaday howlgalkii ka dhanka ahaa kooxda Al Shabaab ayna ciidanka dowladda kasoo baxeen deegaanno ay ka joogeen koonfurta gobolka Mudug.
Taliyaha ciidanka xoogag dalka Soomaaliya Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ku fashilmay hoggaaminta ciidanka xoogga dalka ayaa la hadal hayaa in maalmaha soo aadan xilkaasi laga qaadi doono, si dib loogu bilaabo howlgalkii Al Shabaab ka dha nka ahaa.