Xildhibaannada labad gole oo ansixiyay wax ka beddelka dastuurka
Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, waxayna xildhibaanadu u codeeyeen afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka.
Xildhibaanada ayaa marka hore mid mid u meel mariyay afarta cutub ee wax laga beddalay, kuwaas oo labadii bilood ee lasoo dhaafay ay ka doodayeen mudanayaashu.
Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulankan ayaa ku dhowaaqay sida ay u dhacday riseynta afarta cutub, waxaana ogolaaday dhammaan xildhibaana xaadiray.
Intaas kaidb ayaa waxaa la guda galay meel-marinta wax ka beddelka dastuurka oo ay u kala codeeyeen labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Aqalka sare 42 Senator ayaa ogolaatay wax ka beddelka dastuurka, ayaga oo Haa ugu coddeeyay afarta cutub ee dooddooda maalmihii dambe ka socotay baarlamaanka. Guddoomiye Aadan madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada
Sidoo kale 212 Xildhibaan ayaa iyagna Haa ugu coddeeyay, waxaana sidaas cod aqlabiyad ah loogu ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, sida uu ku dhowaaqay Aadan Madoobe.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dasruurka burhaan iyo Xildhibaan Xuseen Iidow Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka ayaa Xildhibanaada labada Gole uga mahad celiyay Ansixinta Afarta Cutub ee ugu horreyso Dastuurka
Arrintan ayaa soo afjareyso dood muddo dheer ka taagneyd dastuurka oo ay diidanaayeen mucaaradka, gaar ahaaan madaxweynayaashii hore iyo hoggaanka sare ee Puntland.
Guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ayaa soo jeediyay in la bedelo laba farqo oo kamida qodobka 13aad sidoo kalana dib loo dhigo qodobka 28aad