Maxaa dhici kara ka dib go’aankii ay dawladda Soomaaliya ka soo saartay qunsuliyadaha Itoobiya,ee Garoowe & Hargeysa safiirkana ku ceyrisay?
Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan diblomaasiyad ahaan saamaynaya xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, ka dib markii ay ku dhawaaqday inay xirtay qunsuliyado ay Itoobiya lahayd, safiirka Itoobiya – Mukhtaar Maxamed Waarena – ay fartay inuu 72 saac gudahood dalka kaga baxo.
Qunsuliyadaha ayaa la faray in 7 maalmood gudahood lagu xiro, ayadoo safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa-na dib loogu yeeray inuu Muqdisho ku soo laabto.
Talaabadan ayaa timid ka dib marki Itoobiya iyo wafdi ka socda Puntland ay ku kulmeen Addis Ababa, ayagoo ka wadahadlay “xiriirka u dhaxeeya labada dhinac”.
Puntland ayaa maalmo ka hor xiriirka u jartay dawladda federaalka ee Soomaaliya, ayadoo ka carootay ansixinta qodobadii wax laga beddelay ee dastuurka, waxayna sheegtay inay “si madax banaan” hawlaheeda u qabsan doonto, caalamkana sidaa aula macaamili doonto.
Intaa waxaa dheer in horraantii sannadkan ay dawladda federaalka ee Soomaaliya si adag uga hor timid heshiiskii is faham ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iy Somaliland, kaasoo keenay in xiriirka labada dal uu aad u xumaado, wuxuuna sii darsaday markii wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ay ku eedeeyeen Itoobiya inay ula macaamishay si aan haboonayn bishii Febraayo.
Sida lagu xusay qoraal ka soo baxay golaha wasiirrada, waxaa loo cuskaday xiritaanka qunsuliyadaha Garowe iyo Hargaysa “faragelin qaawan oo dawladda Itoobiya ay ku hayso arrimaha gudaha ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, taasoo xadgudub ku ah qarannimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.
Xiisaddan diblomaasiyadeed ayaa meel ciriiryoon sii galinaysa wixii dadaal ah ee la isugu soo dhoweyn lahaa Soomaaliya iyo Itoobiya, ayadoo dhawaan wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya uu sheegay in ay wadaan dadaallo la isugu soo dhoweynayo labada dhinac.
Nidaamka aan qornayn ee diblomaasiyadda waxaa ka mid ah in haddii uu dal tallaabo qaado, midka kalenau talaabadaas oo kale qaado. Haddaba ma la filan karaa in Itoobiya ay dhankeeda talaabo diblomaasiyaded qaaddo.