Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Wasiir Xaange oo sheegay in Madaxweyne Deni uu doonayo inuu reer Puntland ka dhigo dad gaajo ah oo aan waxba diidi Karin

Wasiir Xaange oo sheegay in Madaxweyne  Deni uu doonayo  inuu reer Puntland ka dhigo dad gaajo ah oo aan waxba diidi Karin

Wasiir ku xigeenka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiqafaar Xasan Xaange ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, inuu hor istaagan yahay mashaariic badan oo ay dadka reer Puntland ka heli lahaayn shaqo abuur iyo maalgalin dhaqaale.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda waxa uu sheegay in ay miiska saaran yihiin tobanaan mashruuc oo ay ku kacayaan boqolaal milyan oo dollar, kuwaas oo uu caddeeyay inay u xayiran yihiin saxiixa Puntland.

Mashaariicda uu sheegay inay ka xayiran yihiin Puntland, ayuu tilmaamay inay kamid yihiin, mashruuca mushaarka macalimiinta, mashruuca Damal Caafimaad, mashruuca Barwaaqo (ex Biyoole), mashruuca kabka miisaaniyadda maamulka iyo mashruuca Tamarta iyo Korontada. Wasiir ku xigeenka maaliyaddu wuxuu sheegay, madaxweyne Deni inuu isku qalday khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo mashaariicda horumarka la xiriira.