Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Raysalwasaare Xamse ayaa magacaabey Wasiiro cusub kuwo kalena xilkii ka qaadey

Raysalwasaare Xamse ayaa magacaabey Wasiiro cusub kuwo kalena xilkii ka qaadey

Raysalwasaaraha XJFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ku dhawaaqey qaar kamid ah golaha wasiirada. wasiirada ayaa qaarkod ku cusub yihiin golaa xukuumadda qaarna waxaa loo beddalay Wasaarado kale.

Wasiiradda uu magacaabay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa isugu jira kuwa horey boosaskooda u bannaanaayeen iyo wasiirro cusub uu xilka ka qaaday una magacaabay xubno cusub oo beddelayo.

Axmed Macalin Fiqi o horey u joogey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa loo magacaabey Wasiirka Arrimaha Dibadda

Xil Cali Yusuf Cali Xoodh ayaa loo magacaabey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

Cabdulaahi Sheekh ismaaciil (Fartaag) waxaa loo magacaabey Wasaaradda Amniga

Cabdullaahi Warsame Bidhaan ayaa loo magacaabey Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha

Maxamed Aadam Macalin waxaa loo magacaabey Wasaaradda bootaha iyo isgaarsiinta

Axmed Cumar Maxamed ayaa loo magacaabey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada

Waxaa xilkoodi waayey

Wasiirkii Boostaha iyo Isgaarsiinta Jaamac Khaliif, waxaana habqeybsiga beelaha ku soo galay Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo wasaarad Tamarta loo magacaabey, Sidoo kale waxaa xilkiisi waayey Jaamac Taqal Cabbaas oo horey u ahaa wasiirka tamarta iyo biyaha, waxaana hab-qeybsiga beelaha ku soo galay Maxamed Aadam Macalin oo Xukumaddii Raysalwasaare Kheyre kamid ahaan jirey.

Raysalwasaaraha ayaa kadib markii uu magacaabey wasiiradan ka kooban 6-da waxa uu u dhoofey dalka Masar oo ay caruurtiisu deggan tahay halkaas oo u qaatey fasax maalmaha ciidka.