Duqeymo Culus Oo Lagu Weeraray Goobo Ay Al-Shabaab Isku Uruursanayeen
Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha lagu gaarsiiyay kooxda AS duqeymo lagula eegtau deegaano ka tirsan Koofurta gobolka Mudug.
Duqeymaha oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Baraag Garguurte oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Xarardheere ayaa lagu beegsaday xubno Shabaab ah oo is uruursanayay si ay weeraro u geystaan.
“Khawaarijta ayaa maalmahan degaankaasi kusoo gurayay gaadiid dagaal, iyo maleeshiyaad fara badan waxaana xiliga duqeeymaaha la la beegsaday halkaa ku sugnaa gadiid dagaal iyo xubno ka tirsan Argagixisada gadiidka khawaarijta laga gubay ayaa gaaraya sadax gaari”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.
Majirto ilo ka madax banaan dowladda oo xaqiijin kara sheegashadeeda, waxaana Koofurta Mudug inta badan ka talisa kooxda Al-Shabaab.